Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa Talaadadii ugu baaqay Midowga Yurub (EU) in uu baabi’iyo canshuurta internet-ka, isagoo ku andacoonaya in canshuurtaasi si gaar ah u saameyso shirkadaha tignoolajiyadda Mareykanka.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad, Bessent wuxuu sheegay in siyaasaddan canshuureed ay abuurayso carqalad aan cadaalad ahayn oo dhinaca ganacsiga dijitaalka ah, isla markaana loo baahan yahay in dib loogu fiirsado.
“Waxaan rabnaa in canshuurta internet-ka ee EU-da laga tirtiro,” ayuu yiri Bessent, isagoo muujinaya in arrintani ay horseedi karto xiisado cusub oo ganacsi oo ka dhex dilaaca Mareykanka iyo Midowga Yurub.
Tallaabadan ayaa la filayaa in ay sii kordhiso xiisadda ka dhex aloosan labada dhinac, gaar ahaan marka laga eego doorka weyn ee shirkadaha tignoolajiyadda Mareykanka ay ku leeyihiin suuqa caalamka ee dijitaalka ah.