Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyay in si kumeel gaar ah hoos loo dhigo canshuuraha alaabooyinka labada dal, sida ay ku sheegtay bayaanka wadajirka ah ee ay soo saareen Isniintii.
Mareykanka ayaa ogolaaday in uu hoos u dhigo canshuuraha alaabooyinka Shiinaha ee laga qaaday 145% ilaa 30% muddo 90 maalmood ah, halka Beijing ay ogolaadeen in ay hoos u dhigaan canshuuraha laga qaaday alaabooyinka Mareykanka ee laga qaaday 125% ilaa 10% intii lagu guda jiray muddadaas.
Isbeddelkan ku yimid canshuuraha ayaa ah mid kumeel gaar ah oo loogu talagalay in labada dal ay isku dayaan inay yareeyaan xiisadaha ganacsi ee muddo dheer taagnaa, iyadoo loo eegayo horumarka ka soo baxay wadahadallada ganacsi ee ay labada dal ku yeesheen Geneva.
Waxaa la filayaa in heshiiskani uu fursad u siin doono labada dhinac inay sii wadaan wada-hadallada ku saabsan arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyadoo la rajeynayo in tani ay horseedi doonto xallinta khilaafaadka ganacsi ee ka dhashay siyaasadaha sare ee canshuuraha.