Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiistii mar kale cadaadis saaraya Guddoomiyaha Federal Reserve, Jerome Powell, isagoo qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in Powell uu hoos u dhigo heerka dulsaarka (interest rates), isla markaana ku daray: “waa inaan si degdeg ah xilka uga qaadno Powell!”
Hadallada Trump ee lagu baahiyay Truth Social ayaa yimid maalin kadib markii Powell uu sheegay in bangiga dhexe uusan wax isbeddel ah ku samayn doonin siyaasadda dulsaarka ilaa ay wax badan ka caddaadaan xaaladda dhaqaalaha, isagoo ka digay in cashuuraha cusub ee Trump ay keeni karaan koror sicir-barar ah iyo hoos u dhac kobaca dhaqaale.
Powell wuxuu sheegay in labadaas arrimood — sicir-bararka iyo kobaca hoos u dhacaya — ay bangiga dhexe gelin karaan xaalad adag, maadaama Fed-ku uu leeyahay laba waajib oo isku mar ah: in uu xakameeyo sicir-bararka iyo in uu hubiyo shaqo abuur ku filan.
“Waxaan la kulmi karnaa xaalad adag oo ah in labada himilo ee sharcigu inagu waajibiyay ay is khilaafaan,” ayuu yiri Powell.
Trump ayaa horeyba u adkeeyay shaqada Powell, kadib markii uu bishan soo bandhigay cashuuraha ugu culus ee ganacsiga dibadda ah muddo ka badan 100 sano, inkasta oo uu qaar ka mid ah cashuurahaas hakiyay 90 maalmood. Tallaabooyinkan ayaa suuqyada gilgilay oo keenay cabsi cusub oo ku saabsan jihada dhaqaalaha Mareykanka, taasoo cadaadis ku saartay Fed-ka inuu tixgeliyo in la dhimo dulsaarka si looga hortago hoos u dhac dhaqaale.
Sawir hore oo 2017 ah ayaa muujinaya Trump oo daawanaya Powell intii uu ku dhawaaqayay magacaabistiisa, isagoo markaas beddelayay Janet Yellen.
Khamiistii, Trump wuxuu yiri:
“Powell mar walba waa DAAHAYA oo WAXBA KA QALDAN… Waxay ahyd inuu horey u dhimo dulsaarka, sida ay sameeyeen ECB (Bangiga Dhexe ee Yurub). Wuxuu si cad ugu baahan yahay in hadda la dhimo. Xil ka qaadistiisu si degdeg ah uma dhici karto!”
Powell wuxuu xilka guddoomiyaha hayn doonaa ilaa May 2026, wuxuuna sheegay inuu damacsan yahay inuu dhameysto muddadiisa. Dhanka kale, Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent ayaa sheegay in uu filayo inuu bilaabo wareysiyada musharrixiinta Fed-ka xagaagan.
Powell ayaa Arbacadii si cad u sheegay in bangiga dhexe yahay hay’ad madax-bannaan, isla markaana uu u dhaqmi doono iyadoo aan wax saameyn siyaasadeed lagu yeelan. Wuxuu sidoo kale ka hadlay dacwad ka socota Maxkamadda Sare oo ku saabsan awoodda madaxweynaha ee ku saabsan xil-ka-qaadista xubnaha guddiyada hay’adaha madax-bannaan ee kale, taas oo dad badani uga baqayaan inay saameyn ku yeelato Fed-ka.
Si kastaba, Powell wuxuu yiri:
“Ma aaminsani in dacwaddaasi khuseyso Fed-ka.” Laakiin wuxuu intaas ku daray in bangiga dhexe si dhow ula socdo arrintaas.
Trump, oo markan galay xilkiisii labaad, wuxuu bilaabay inuu ka yara dabciyo dhaleeceynta Fed-ka, isagoo sheegay inuusan damacsanayn inuu xilka ka qaado Powell—inkasta oo uu si joogto ah u weeraray intii uu xilka hayay markiisii hore.
Scott Bessent iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Trump waxay marar badan sheegeen in madaxweynaha uusan xooga saareyn Fed-ka, balse uu doonayo in hoos loo dhigo ribada 10-sano ee Treasury-da Mareykanka.