Trump oo Ku Hanjabay Cashuur La Mid Ah Tii Baabuurta iyo Aluminium-ka oo Lagu Soo Rogayo Dawooyinka

Trump: Cashuuraha Dawooyinka Dibadda Laga Keeno Waa Soo Socdaan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in cashuuraha la saari doono dawooyinka la soo dhoofiyo ay imaan doonaan “waqti aan fogeyn.”

“Annaga ma sameyno dawooyinkeena. Shirkadaha dawooyinka waxay joogaan Ireland, Shiinaha iyo meelo kale oo badan. Waxa kaliya ee aan u baahanahay waa inaan saaro cashuur… Haddii cashuurta kor loo qaado, si dhaqso ah bay u imanayaan,” ayuu Trump ku yiri warbaahinta isagoo kula hadlayay weriyayaal ku sugnaa Aqalka Cad.

Trump wuxuu sidoo kale muujiyay in cashuurahan cusub laga yaabo inay la mid noqdaan kuwa hore loogu soo rogay baabuurta iyo aluminium-ka, oo hadda ah 25%.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *