Suuqyada saamiyada Mareykanka ayaa si xooggan kor ugu kacay Khamiistii, iyadoo Dow Jones uu sare u kacay in ka badan 550 dhibcood, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhiirrigeliyay maal-gashadayaasha inay “si degdeg ah u iibsadaan saamiyo.”
Trump wuxuu hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiska Oval-ka, halkaas oo uu ku shaaciyay faahfaahin ku saabsan heshiis ganacsi oo cusub oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Britain, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyay ee la gaaro tan iyo markii Mareykanku ku dhawaaqay canshuuro “is-daba-marin ah” (reciprocal tariffs) oo laga saaray dalal badan horaantii sanadkan.