Suqyada saamiyada waaweyn ee dalka Mareykanka ayaa Talaadadii sare ugu furmay kadib markii shirkado ay ka mid yihiin Lockheed Martin Corporation, RTX Corp., iyo GE Aerospace ay soo bandhigeen natiijooyin faa’iido leh oo ka yaabiyey suuqyada.
Maalgashadeyaasha ayaa sidoo kale isku dayayey inay dheellitiraan warbixintii cusub ee kasoo baxday Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo sheegtay in canshuuraha cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump ay sababayaan hoos u dhac ku yimaada koboca dhaqaalaha caalamka – laga bilaabo 3.3% oo hadda la filayo inay noqoto 2.8%.
Sidoo kale, suuqyadu waxay sugayaan warbixinta dakhliga cusub ee shirkadda Tesla Inc. oo la filayo in ay soo baxdo goor dhow.
Tirooyinka furitaanka suuqyada:
- Dow Jones Industrial Average wuxuu kordhay 1.03% ama 391 dhibcood.
- Nasdaq 100 wuxuu sare u kacay 1.07% ama 190 dhibcood.
- S&P 500 wuxuu ku kacay 0.98%.
Dhanka lacagaha qalaad, Yuuroga ayaa hoos u dhacay 0.43% marka la barbar dhigo dollarka Mareykanka, isaga oo la iibinayo qiime dhan $1.14653 saacadda 9:28 subaxnimo (ET).