Shiinaha ayaa ballan qaaday Talaadadii in uu “dagaallami doono ilaa dhammaad” haddii Mareykanka fuliyo canshuuraha dheeraadka ah ee uu ku hanjabay Madaxweyne Trump, isaga oo sidoo kale ballanqaaday in uu qaaday tallaabooyin ka jawaabaya tan Mareykanka, maalin kahor inta aanay dhaqan gelin canshuuraha cusub ee Mareykanka.
Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu saari doono 50% canshuur dheeraad ah alaabta Shiinaha laga keeno Arbacada, kaddib markii Shiinuhu ku jawaabay canshuuro u dhigma oo ah 34%.
Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa sida uu sheegay The Wall Street Journal tiri:
“Hanjabaadda Mareykanka ee ah in uu kordhiyo canshuuraha Shiinaha waa khalad dusha khalad kale la saaray, taasoo markale muujinaysa dabeecadda cabsi gelinta ee Mareykanka. Haddii Mareykanku ku adkaysto dariiqiisa, Shiinaha wuxuu dagaallami doonaa ilaa dhammaad.”
Waddamo kale ayaa diyaar u ah in ay wadaxaajood la galaan Mareykanka, sida uu sheegay Trump, iyada oo wadahadallo horey u bilaabmeen. Trump oo Isniintii ka hadlayay Aqalka Cad ayaa yiri:
“Waxaan heli doonaa heshiisyo cadaalad ah oo wanaagsan oo aan la galno waddan kasta, haddii aysan taasi dhicinna, wax xiriir ah lama yeelan doonno.”
Jabbaan waxay u muuqataa in la siinayo mudnaanta ugu horeysa ee wadahadallada Mareykanka la xiriira canshuuraha, kadib markii ay telefoon ku wada hadleen ra’iisul wasaaraha Japan iyo Trump. Rajada laga qabo in Trump uu u furfuran yahay in wax laga beddelo canshuuraha ayaa sare u qaaday suuqyada saamiyada, kuwaasoo Isniintii si xawli ah isu bedbeddelayay sababo la xiriira wararka dagaalka ganacsi.