Shiinaha: Weli Wadahadallo Lagama Galin Canshuuraha Kastamka ee Kala Dhexeya Mareykanka

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Guo Jiakun (sawirka ku jira), ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisa iyo Mareykanku aysan weli bilaabin wax wadahadallo ah oo ku saabsan canshuuraha kastamka ee ay dhowaan isugu jawaabeen, kuwaasoo saameynaya dhoofintooda labada dhinac.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id, Guo wuxuu ugu baaqay Mareykanka inuu joojiyo “hanjabaadaha” haddii uu dhab ahaan u doonayo wadahadal, isagoo xusay in “ixtiraamku uu yahay shardi” haddii wadaxaajood dhici karo. Waxa uu sidoo kale dhaliilay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in canshuuro culus la saaro badeecooyinka Shiinaha, isagoo ku tilmaamay “duufaan tsunami ah” oo baalmaraysa xeerarka Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Hadalka wasaaradda ayaa yimid kadib markii Trump uu carrabka ku adkeeyay in muddada iyo qiimaha canshuuraha Mareykanka ee lagu soo rogay Shiinaha ay ku xirnaan doonaan tallaabooyinka ay qaado dowladda Beijing.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *