Shiinaha oo cambaareeyay Mareykanka, kuna eedeeyay in uu “canshuuro u adeegsado cabsi gelin”

Isniintii, Shiinaha ayaa si kulul u dhaleeceeyay Mareykanka, isagoo ku eedeeyay inuu canshuuraha u adeegsado sidii hub uu ugu cadaadinayo waddamada kale in ay xiriirka ganacsi u jaraan Beijing, isagoo tilmaamay arrintaasi inay tahay “bahdilid hal dhinac ah oo lagu qarinayo wada-shaqeyn been ah.”

Bayaan kulul oo kasoo baxay Beijing ayaa lagu eedeeyay Washington inay wado ajande hegemooni ah (ku amar ku taagleyn), iyadoo lagu daray in is-dhiibis aysan keeni doonin xal, balse ay horseedi karto guuldarro.

Shiinaha wuxuu sheegay inuu ixtiraamayo wada-xaajoodyada cadaaladda ku dhisan ee dalalka u dhexeeya, balse uusan aqbali doonin heshiis kasta oo lagu gaaro isaga oo khasaare ku ah. Wuxuu ballanqaaday in uu qaaday tallaabooyin adag haddii dalal kale u jilcaan cadaadiska Mareykanka.

Shiinaha wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ay midnimo muujiyaan, isagoo sheegay in dib ugu noqoshada “xeerarka keymaha” ee ganacsiga (jungle rules) ay waxyeello u geysan doonto dhammaan dalalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *