Shiinaha: Ma Jirin Wicitaan Dhexmaray Madaxweyne Xi iyo Donald Trump, Canshuur Wadahalna Ma Socdo”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa Isniintii ku adkaystay in “aysan jirin wicitaan telefoon” oo dhowaan dhacay dhexmaray Madaxweyne Xi Jinping iyo dhiggiisa Mareykanka, kadib markii Donald Trump uu sheegay inuu la hadlay madaxweynaha Shiinaha isla markaana uu beeniyay wararka sheegaya in ay socdaan wadahadallo ganacsi ama canshuur (tariff) oo labada dal dhex mara.

“Intii aniga iga og tahay, ma jirin wax wicitaan ah oo dhowaan dhacay oo dhexmaray labada madax ee dalalka,” ayuu Guo sii faahfaahiyay. “Shiinaha iyo Mareykanka ma wadaan wax wadatashi ama wadaxaajood ah oo la xiriira arrimaha canshuuraha.”

Horey, Wasiirka Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa muujiyay inuusan hubin haddii Trump uu “la hadlay Madaxweynaha Shiinaha Xi.” Waraysi uu Trump siiyay majaladda Time oo la sii daayay Jimcihii, ayuu ku sheegay inuu “sameeyay 200 heshiis” oo la xiriira canshuuraha isla markaana uu la hadlay Xi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *