Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa Arbacadii khudbad uu ka jeediyay Machadka Maaliyadda Caalamiga ah (Institute of International Finance – IIF) ku sheegay in “America First” aysan micnaheedu ahayn “Mareykanka oo kaligiis dhaqaaqaya.”
Bessent wuxuu xusay in Washington ay dooneyso iskaashi qoto dheer iyo is-ixtiraam dhexmara waddamada ay wada ganacsadaan.
“America First waxay doonaysaa in ay cadaalad dib ugu soo celiso nidaamka dhaqaalaha caalamka,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale ku celiyay in Mareykanku uu qaadayo tallaabooyin lagu dheellitirayo ganacsiga caalamiga ah.
Isagoo ka hadlayay hay’adaha caalamiga ah, Bessent wuxuu carabka ku adkeeyay in Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka ay u baahan yihiin in ay noqdaan kuwo wax-ku-ool ah oo si hufan u shaqeeya.