Sanduuqa Maalgashiga Ugu Weyn Dunida oo Khasaaro Soo Wajahay Rubuc-sannadeedkii Koowaad ee 2025

Sanduuqa maalgelinta qaranka ee ugu weyn caalamka, Norges Bank Investment Management (NBIM), ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in uu rubuc-sannadeedkii koowaad ee sanadka 2025 la kulmay khasaaro dhan -0.6%, taasoo u dhiganta lumis dhan 415 bilyan oo krone ($40 bilyan).

“Rubuc-sannadeedkan waxaa saameeyey isbeddello weyn oo ka dhacay suuqyada caalamiga ah. Maalgashiyadayada saamiyada ayaa celin taban yeeshay, waxaana si gaar ah u saameeyey hoos-u-dhaca ka dhacay qeybta tiknoolajiyadda,” ayuu yiri Maamulaha Guud ee sanduuqa, Nicolai Tangen.

Qiimaha guud ee maalgashiyada sanduuqa ee qaybta saamiyada ayaa istaagay 12.96 bilyan oo krone, halka guud ahaan qiimaha suuqeed uu hoos uga dhacay 1.21 bilyan oo krone dhammaadka bisha Maarso.

Qaybinta maalgashiga sanduuqa rubuc-sannadeedkan waxay ahayd:

  • 70% saamiyo (equities),
  • 27.7% dakhli go’an (fixed income),
  • 1.9% hantida ma-guurtada ah ee aan la diiwaangelin (unlisted real estate),
  • 0.4% kaabeyaasha tamarta la cusboonaysiin karo (renewable energy infrastructure).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *