Powell: Canshuuraha Ganacsi Weli Saameyntooda Laguma Arkayo Xogta Dhaqaalaha

Guddoomiyaha Fed Jerome Powell ayaa Arbacadii tilmaamay in xogta dhaqaale aysan weli muujin wax saameyn ah oo ka imaanaya canshuuraha kastamka (tariffs).

“Runtii, weli ma aragno saameyn weyn oo dhaqaale oo ka imanaysa xogta. Waxaa jira walwal ku saabsan in sicir-barar ka dhici karo, dadka waxay ka walwalsan yihiin sicir-bararka. Waxaana ka welwelsan yihiin saameynta kaga imaan karta canshuuraha. Laakiin saameyntaas weli ma aysan imaan,” ayuu yiri intii uu ku guda jiray shir jaraa’id ka dib markii ay Fed-ka go’aansatay heerka dulsaarka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii kordhinta canshuuraha waaweyn ay sii socoto sidii lagu dhawaaqay, ay suuragal tahay inay keento sicir-barar sare, hoos u dhac dhaqaale, iyo shaqo la’aan badan. “Canshuuraha ilaa hadda waa kuwo ka weyn sidii la filayay,” ayuu ku daray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *