Komishanka Ganacsiga ee Midowga Yurub, Valdis Dombrovskis, ayaa Arbacadii ku celiyay mar uu la hadlayay Jorn Fleck oo ka tirsan Atlantic Council, xilli uu ka qeybgalayay shirarka gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka, in haddii wadahadallada u dhexeeya Midowga Yurub iyo Mareykanka ee la xiriira canshuuraha ganacsiga ay fashilmaan, Midowga Yurub uu “diyaar u yahay inuu la yimaado canshuuro is-daba-joog ah.”
Inkastoo Midowga Yurub uu horey u ansixiyay xirmo tallaabooyin ka hortag ah, haddana wuxuu go’aansaday in uu dib u dhigo hirgelintooda, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu 90 maalmood dib u dhigay qaar ka mid ah canshuurihii uu qorsheeyay.
“We would welcome more clarity on the US side, on what are exactly [their] expectations and how we can arrive to the solutions without this imposition of additional tariffs,” ayuu yiri Dombrovskis, isagoo muujinaya in Midowga Yurub uu jeclaan lahaa in Mareykanku cadeeyo waxa dhab ahaantii ay ka filayaan wadaxaajoodka, si xal loogu helo arrinta iyadoo aan la adeegsan canshuuro cusub.