Maamulka Trump ayaa goor dambe oo Jimce ah ku dhawaaqay in ay ka reebayaan qalabka elektaroonigga — sida telefoonada casriga ah iyo laptop-yada — canshuuraha isdhaafsiga ah (reciprocal tariffs). Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid ka caawin karta in qiimaha qalabkan caanka ah ee aan inta badan laga soo saarin gudaha Mareykanka uu hoos u dhaco.
Arrintani waxay si gaar ah u anfici doontaa shirkadaha waaweyn ee teknoolojiyadda sida Apple iyo Samsung, iyo sidoo kale shirkadaha sameeya chips-yada, sida Nvidia.
Wasaaradda Kastamyada iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Mareykanka (U.S. Customs and Border Protection) ayaa sheegtay in alaabta la fasaxayo ay ka mid yihiin:
- Smartphones
- Laptops
- Hard drives
- Monitors-ka shaashadda siman
- Qaar ka mid ah chips-yada
- Mashiinnada lagu sameeyo semiconductors
Alaabtaasi ma noqon doonaan kuwo lagu soo rogay canshuurta 145% ah ee lagu qaaday Shiinaha, ama canshuurta 10% ah ee looga qaado dalalka kale.
Tani waa isbeddelkii ugu dambeeyay ee maamulka Trump uu ku sameeyo qorshahooda waaweyn ee canshuuraha. Inkastoo qorshahoodu yahay in la dhiirrigeliyo wax-soo-saarka gudaha Mareykanka, haddana reebista qaar ka mid ah qalabka elektaroonigga ah waxay u muuqataa aqoonsi ah in silsiladda wax-soo-saarka qalabkan ay si buuxda ugu tiirsan tahay Aasiya. Waxaa si gaar ah xusid mudan in ku dhowaad 90% iPhone-yada la soo saaro kuna shaqeeyo gudaha Shiinaha, sida ay sheegtay Wedbush Securities.
Dan Ives, oo ah falanqeeye ka tirsan Wedbush, ayaa warbixin uu qoray ku sheegay:
“Tani waxay meesha ka saartay ‘daruur weyn oo madaw’ oo dul heehaabaysay qaybta teknoolojiyadda, waxayna yareyn kartaa cadaadiska ka heysta shirkadaha waaweyn ee Mareykanka ee Big Tech.”
Trump hore ayuu u sheegay in uu tixgelinayo in uu qaar ka mid ah shirkadaha ka dhaafo canshuuraha.
Apple iyo Samsung kama aysan jawaabin codsiyo lagu weydiiyay faallo, waxaana sidoo kale Nvidia diiday inay wax faallo ah bixiso.
Aqalka Cad (White House) isaguna si degdeg ah uma uusan ka jawaabin codsiga faallo ee la diray Sabtidii.