Maraykanka oo Sheegay Inuu Maalin Walba Ka Helo $2 Bilyan Canshuuraha (Tariffs),

Washington (Reuters) — Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shaaciyay in Maraykanku uu maalintii kasbado ilaa $2 bilyan oo doolar oo canshuuro ah, inkastoo uu hadalkaas jeediyay isaga oo aan bixin wax faahfaahin ah. Wuxuu arrintan ka sheegay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Trump wuxuu saaray canshuuro badan dalal kala duwan, taasoo qayb ka ahayd siyaasaddiisa ganacsiga ee adag.

Si kastaba ha ahaatee, xogta rasmiga ah ee ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa muujinaysa in celcelis ahaan dakhliyada laga helo “canshuuraha kastamka iyo kuwa kale ee la xiriira” ay yihiin ku dhawaad $200 milyan maalintii bishan — taas oo aad uga yar tirada uu sheegay Trump.

Bishii Febraayo, wasaaradda maaliyadda waxay xaqiijisay in la ururiyay qiyaastii $7.25 bilyan oo canshuur kastamka ah guud ahaan bishaas.

Warbixinta miisaaniyadda bishii Maarso waxaa la filayaa in la daabaco Khamiista, taas oo si cad u muujin doonta inta dakhliga canshuuraha ah ee ugu dambeysay ee la helay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *