Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in ay hoos u dhigtay saadaasha kobaca dhaqaalaha caalamka ee sanadka 2025, iyada oo laga dhigay 2.8%, halka markii hore laga filayey 3.3%. Sidoo kale, saadaasha kobaca sanadka xiga (2026) ayaa loo dhigay 3%, oo markii hore ahayd 3.3%.
IMF waxay sheegtay in nidaamka dhaqaale ee caalamka uu “dib-u-dejin” ku socdo, iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay canshuuraha ballaaran ee Mareykanku kusoo rogay badeecooyinka shisheeye.
Warbixinta ayaa muujisay in dhaqaalaha Mareykanka uu sanadkan kori doono 1.8%, taasoo ah 0.9 dhibic boqolkiiba (percentage points) ka hooseysa saadashii hore. Canshuuraha ayaa lagu sheegay in ay sabab u yihiin 0.4 dhibic kamid ah hoos u dhacaasi.
Dhaqaalaha Shiinaha ayaa la filayaa inuu koro 4%, taasoo ah 0.6 dhibic ka yar saadashii hore. Yurubta Eurozone-na waxaa laga filayaa koboc dhan 0.8%, taasoo ah hoos u dhac 0.2 dhibic ah.
IMF waxay sidoo kale ka digtay in xaaladaha maaliyadeed ay sii adkaan karaan, isla markaana suuqyada maaliyadeed ay wajihi karaan tijaabooyin culus. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in rajada koboca dhaqaaluhu ay si degdeg ah u wanaagsanaan karto haddii waddamadu dabciyaan siyaasaddahooda ganacsi ee hadda jira oo ay bilaabaan heshiisyo ganacsi oo cusub.