Guddoomiyaha Federal Reserve, Jerome Powell, ayaa Arbacadii sheegay in bangiga dhexe uu “sugayo illaa ay caddaato xaaladda” ka hor inta aan la tixgelin wax ka beddelid ah oo lagu sameeyo heerarka ribada, maadaama uu filayo in canshuuraha uu Madaxweyne Trump soo rogay ay keeni doonaan “sicir-barar sare iyo koboc dhaqaale oo gaabiya.”
Arrimahaas is barbar socda, ayuu Powell ka sheegay khudbad uu ka jeediyey magaalada Chicago, waxay khatar ku yihiin yoolalka laba-geesoodka ah ee Fed-ka – oo ah in la ilaaliyo xasilloonida sicirka iyo in la gaaro shaqo-buuxda.
“Waxaan is arki karnaa xaalad adag oo ah in yoolalkayaga laba-geesoodka ah ay isdiidan yihiin,” ayuu yiri.
Intii lagu jiray su’aalo iyo jawaabo la xiriiray khudbaddiisa, Powell wuxuu qiray in ay jirto “fursad weyn” oo ah in dhaqaaluhu uu ka sii fogaado labadaba yoolalka Fed-ka inta ka dhiman sanadka, ama ugu yaraan uusan horumar muuqda sameynin.
Arrintaas waxay keeni kartaa “go’aan aad u adag” oo uu bangiga dhexe qaatay, ayuu Powell qiray.
Marka lagu jiro xaaladdaas, Fed-ku wuxuu “eegi doonaa inta uu dhaqaaluhu ka fog yahay mid kasta oo ka mid ah yoolalkaas, iyo waqtiga la filayo in farqigaas la yareeyo.”
Jerome Powell oo hadal ka jeedinaya Shirka Sanadlaha ee Ururka Saxaafadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga (SABEW), Arlington, Virginia, Jimce, Abriil 4, 2025.
Powell wuxuu sidoo kale ka hadlay jahwareerka ka jira suuqyada bonds-ka (suuqa deymaha) kadib markii ay kordheen ribadu markii Trump uu ku dhawaaqay “Maalinta Xorriyadda” ee Abriil 2, taasoo la socotay canshuuro cusub. Wuxuu sheegay in suuqyadu ay “si nidaamsan u shaqeynayaan sidii laga filan karo xilli ay jirto hubanti la’aan sare.”
Wuxuu jahwareerka ku sababeeyay “suuqyada oo la tacaalaya dhacdo si taariikhi ah u gaar ah,” wuxuuna ka digay in uu filayo “mugdi iyo kacsanaan sii socota.”
Powell wuxuu markale adkeeyay madax-bannaanida hay’addiisa iyo jagadiisa, isagoo yiri arrintaas waa “sharci,” isla markaana ballan qaaday inuusan ka falcelin doonin cadaadis siyaasadeed.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay dacwad ka socota Maxkamadda Sare ee Maraykanka taasoo lagu eegayo awoodda uu Trump u leeyahay inuu xilka ka qaado xubnaha guddiyada hay’adaha madax-bannaan ee ku yaalla Washington, D.C., taasoo dadka qaar ka walaacsan yihiin in ay saameyn ku yeelan karto Powell haddii dowladda guuleysato.
Laakiin Powell wuxuu yiri, “Ma filayo in dacwaddaas ay khuseyso Fed-ka.” Si kastaba ha ahaatee, bangiga dhexe ayaa “si dhow ula soconaya.”
Intii uu hadlayay Arbacadii, Powell wuxuu markale xusay aragtidiisii hore ee xiriirka ka dhexeeya canshuuraha iyo sicir-bararka, taasoo uu horey uga sheegay khudbaddiisii Abriil 4. Wuxuu tilmaamay inaan weli la ogayn in sicir-bararka ay keeneen canshuurahaas uu yahay mid ku meel gaar ah ama mid waara.
Ka hortagga sicir-barar waara wuxuu “ku xirnaan doonaa inta ay le’eg yihiin saameynta, muddada ay ku qaadaneyso in ay si buuxda u saameeyaan qiimaha, iyo ugu dambeyntii, sida loo sugo in rajada sicir-bararka muddada fog aysan kor u kicin.”