Justin Sun, aasaasaha Tron, ayaa mar kale ku celiyay eedeymo culus oo ka dhan ah First Digital Trust (FDT), shirkad kaydisa hantida dhijitaalka ah oo ku taalla Hong Kong isla markaana ah soo saaraha stablecoin-ka FDUSD. Sun ayaa sheegay in FDT uu horseed u ahaa lunsasho lacageed gaareysa $500 milyan, taasoo lagu qaaday hab si xeeladeysan loogu wareejiyay lacagaha macaamiisha meelo aan la ogoleyn.
Sida uu Sun ku sheegay qoraal dheer oo uu soo dhigay baraha bulshada, wuxuu sheegay in FDT oo kaashanaya shirkado kale sida Aria DMCC oo fadhigeedu yahay Dubai, Finaport, iyo TrueCoin, ay ku qanciyeen shirkadda Techteryx (soo saarta FDUSD) in ay u wareejiso $456 milyan shirkadda Aria DMCC si loogu maalgashado.
Laakiin halkii lacagtaasi ay u geli lahayd sanduuqa maalgashiga Aria Commodity Finance Fund oo laga diiwaangeliyay Cayman Islands, waxay u leexatay hay’ad kale oo aan la xiriirin balse uu gacanta ku hayo Matthew Brittain – ninkii maamulayay sanduuqa maalgashiga – iyo xaaskiisa Cecilia Brittain.
Sun wuxuu eedeyntan ku macneeyay mid la mid ah “address replacement attack” oo ah xeelad lagu beddelo cinwaanka domaniga ama waleta si loo lunsado lacagaha.
Sun wuxuu si toos ah farta ugu fiiqay madaxda FDT sida Vincent Chok iyo Alex De Lorraine oo ka tirsan Aria, isagoo ku eedeeyay inay heleen malayiin doolar oo ah lacag laaluush ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in $15.5 milyan laga dhigay koonto ku taal Hong Kong oo lagu magacaabo “Glass Door” si loo qariyo raadadka lacagaha.
FDT ayaa horey uga jawaabtay eedeymaha Sun iyagoo gudbiyay dacwad sumcad dil ah oo ka dhan ah, taasoo ka socota maxkamadda sare ee Hong Kong. Shirkaddu waxay sheegtay in Sun uu faafiyay warar been ah oo wax u dhimaya sumcaddooda iyo xasilloonida dhaqaale ee shirkadda. Waxay sidoo kale codsadeen in la joojiyo eedeymahaas, lana bixiyo magdhow.
Eedeymaha Sun ayaa sidoo kale sababay in FDUSD uu si kooban hoos uga dhaco qiimihiisa suuqyada, inkastoo uu si deg deg ah ugu soo laabtay heerkiisii.
Inkasta oo ay jirto cabsi dacwadeed, Sun ma uusan joogsan. Wuxuu qabtay shir jaraa’id wuxuuna ugu baaqay hay’adaha maamulaya in ay si dhow u eegaan waaxda kalsoonida maaliyadeed ee Hong Kong. Illaa hadda lama cayimin taariikhda dhagaysiga dacwadda maxkamadeed.