Dhaqaalaha Jarmalka oo Laga Filayo Inuu Hakado Sanadka 2025, Iyadoo Kororka Uu Yahay 0% Halkii Laga Filayey 0.3%

Dowladda Jarmalka ayaa Khamiistii shaacisay in dhaqaalaha dalka laga filayo inuu hakado sannadka 2025, halkii horay looga saadaaliyay inuu koro 0.3%. Warbixinta cusub ee guga ee saadaasha dhaqaalaha ayaa xaqiijisay wararka saxaafadda ee horey u baahiyey arrintan.

Wasaaradda Dhaqaalaha Jarmalka ayaa sheegtay in kororka wax soo saarka guud ee gudaha dalka (GDP) laga filayo inuu gaaro qiyaastii 1% sanadka 2026, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqaalaha, Robert Habeck.

Dhinaca sicir-bararka, waxaa la filayaa inuu hoos ugu dhaco 2% sannadka 2025 iyo 1.9% sannadka 2026. “Waxaa la filayaa in arrimaha hoos u dhigaya sicir-bararka ay sii sii socdaan inta ka dhiman sannadkan,” ayay tiri dowladda.

Wasiirka Dhaqaalaha Habeck wuxuu uga digay in dhaqaalaha Jarmalka uu si toos ah iyo si dadbanba uga dhaawacmi karo siyaasadaha ganacsi ee Mareykanka. Wuxuu yiri:

“Maaddaama dhaqaalaha Jarmalka uu si dhow ugu xiran yahay silsiladaha sahayda caalamiga ah, isla markaana uu leeyahay furfurnaan aad u sareysa oo dhanka ganacsiga dibadda ah, siyaasad-protectionist-ka cusub ee Mareykanku waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa kobaca dhaqaalaha dalka.”

Wuxuu ugu baaqay Midowga Yurub iyo Mareykanka inay “xal u helaan khilaafka canshuuraha ganacsiga.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *