Dahabka oo Si Lama Filaan ah Hoos Ugu Dhacay Iyadoo Xiisadaha Caalamiga Ah Yaraanayaan

Qiimaha dahabka ayaa si weyn hoos ugu dhacay Isniinta, iyadoo xiisadaha caalamiga ah ay yaraadeen. Tani waxay u muuqataa inay culayska ka qaaday dahabka oo muddo dheer u ahaa badbaado dhaqaale (safe haven) maalgashadayaal badan.

Dhammaadka usbuuca, Mareykanka iyo Shiinaha ayaa wadahadallo ganacsi ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, iyadoo labada dhinacba ay sheegeen in kulamadu ay si wanaagsan u dhaceen. Dhanka kale, Hindiya iyo Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis xabbad joojin ah, in kasta oo ay jireen warar sheegaya in marar qaar la jabiyay, haddana heshiiska ayaa weli taagan.

Dahabku wuxuu hoos u dhacay 1.72% markay ahayd 01:49 am waqtiga Bariga Mareykanka (ET), waxaana lagu kala iibsanayay $3,270.20.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *