Qiimaha dahabka ayaa sii kordhay Jimcihii, isagoo jebiyey heerka $3,230 kana dhigay rikoor cusub oo abid ah, iyadoo maal-gashadayaashu u muuqdeen kuwo u cararayaya meelaha amniga leh sababo la xiriira isbeddelka siyaasadaha ganacsiga.
Dagaalka dhaqaale ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ayaa cirka isku shareeray, iyadoo Shiinuhu ku dhawaaqay inuu kordhinayo canshuurta uu saaro alaabaha Maraykanka laga keeno laga bilaabo 84% ilaa 125%, isagoo diiday in uu ka laabto go’aankiisa.
Kadib markii uu si kooban u gaaray $3,237.56, dahabku wuxuu kor u kacay 1.72% isagoo gaaray $3,230.11 halkii wiqiyad (ounce) 06:19 subaxnimo waqtiga Bariga Maraykanka (ET). Afar daqiiqo kadib, 6:23 subaxnimo ET, qalinka (silver) ayaa sare u kacay 0.83% oo gaaray $31.48 halkii wiqiyad, halka platinum-ku uu ku booday 1.06% oo gaaray $946.08 halkii wiqiyad, iyo palladium oo isna kor u kacay 0.99% oo lagu iibinayey $914.25 halkii wiqiyad.