Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa Isniintii sheegay in Shiinaha uu yahay qaybta ugu weyn ee xalka siyaasadda ganacsi ee Madaxweyne Donald Trump, isagoo arrintan ka sheegay shir weynaha dhaqaalaha ee Milken Conference.
“Mar kasta oo dhaqaalaha Mareykanka uu hoos u dhaco, wuxuu markale dib u kacaa – mar walbana wuu ka xoog badan yahay sidii hore,” ayuu Bessent ku daray isagoo muujinaya kalsoonida uu ku qabo adkeysiga dhaqaale ee Mareykanka.
Bessent wuxuu sidoo kale Mareykanka ku tilmaamay meesha ugu sareysa ee maalgelinta caalamka ay u soo hirtaan, isagoo ku dooday in siyaasadaha maamulka Trump ay sii xoojin doonaan kaalintaasi.
Hadalka Bessent ayaa imanaya iyadoo muran badan uu ka taagan yahay xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha, iyo saameynta siyaasadaha cusub ee canshuuraha iyo isdhexgalka dhaqaalaha ay ku yeelan karaan suuqyada caalamka.