Agaasimaha guud ee shirkadda shidaalka ee Chevron Corporation, Michael Wirth, ayaa Talaadadii u sheegay CNBC in uusan hadda arkin wax calaamado ah oo muujinaya in Mareykanka uu ku dhow yahay ama ku jiro hoos u dhac dhaqaale (recession), inkastoo ay jiraan hubanti la’aanta ka dhalatay canshuuraha ganacsi ee uu soo rogay Madaxweyne Donald Trump.
“Waqtigan xaadirka ah wax calaamado ah oo tusinaya in aan ku jirno ama ku dhow nahay hoos u dhac dhaqaale ma aragno. Waxaa jira astaan muujinaya in kobaca dhaqaaluhu uu yara gaabinayo, waana muhiim in mar walba diyaar loo ahaado arrintaas,” ayuu yiri Wirth.
Waxa uu sidoo kale xusay in muhiim ay tahay in la yeesho aragti fog oo laga eego dhaqaalaha, halkii diiradda lagu saari lahaa dhaqdhaqaaqyada degdegga ah ee suuqyada maaliyadeed.
Maalintaas hore, Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa hoos u dhigtay saadaasha kobaca dhaqaalaha Mareykanka ee 2025, iyadoo laga dhigay 1.8% halkii ay markii hore ahayd 2.7%. IMF waxay sheegtay in canshuuraha cusub ay sabab u yihiin 0.4 dhibic boqolkiiba oo kamid ah hoos u dhacaasi.