Madaxweynaha Federal Reserve Bank ee Cleveland, Beth Hammack, ayaa Khamiistii sheegtay in bangiga dhexe uu tallaabo qaadi doono “marka si cad loo ogaado jihada uu dhaqaaluhu u socdo”, taas oo dhici karta kulanka Fed ee bisha Juun.
Si kastaba ha ahaatee, Hammack waxay xustay in Fed-ku u baahan yahay dulqaad iyo kormeer joogto ah oo la xiriira xogaha dhaqaale ee soo baxaya, inkasta oo ay sidoo kale degdeg u dhaqaaqi karaan haddii loo baahdo.
Waxay ka digtay in mugdiga ka taagan canshuuraha ganacsiga (tariffs) uu culays saaray ganacsiyada, gaar ahaan dhanka qorshayaasha maalgelinta iyo shaqaaleynta. Hammack waxay intaas ku dartay in Fed-ku si dhow u eegayay suuqyada maaliyadeed, kuwaasoo ay sheegtay inay “si cad u kacsanaayeen” toddobaadyadii la soo dhaafay, inkastoo ay wali si hagaagsan u shaqeynayaan.
Ugu dambayn, waxay ku adkaysatay in Federal Reserve uusan maamulin suuqyada, balse uu diiradda saarayo dhaqaalaha guud, kaas oo ay sheegtay inuu weli yahay “adkaysi badan”.