Trump oo ka fiirsanaya inuu shaqada ka eryo Guddoomiyaha Federal Reserve Jerome Powell – Kevin Warsh oo ah musharraxa ugu cadcad beddelkiisa

Madaxweyne Donald Trump ayaa muddo dheer ka fekerayay inuu shaqada ka eryo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Mareykanka (Federal Reserve), Jerome Powell. Laakiin haddii ay taasi dhacdo — yaa beddeli doona?

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow Aqalka Cad, musharraxa ugu cadcad waa Kevin Warsh, oo horey u ahaan jiray xubno ka tirsan guddiga sare ee Fed, islamarkaana xilligii qalalaasihii dhaqaale ee 2008 ahaa xiriiriyaha Fed iyo Wall Street, isagoo u shaqeynayay Guddoomiyihii hore ee Fed, Ben Bernanke.

Warsh wuxuu si cad u muujiyay aragtidiisa ah in Federal Reserve uu siyaasadeysan yahay, taasoo la jaanqaadaysa hadallo badan oo uu Trump horey u jeediyay.

Maqaal uu Warsh qoray Janaayo 2017, daqiiqado ka hor intii uusan Trump xafiiska la wareegin, ayuu ku sheegay in Fed uu isku dayi doono inuu Trump ku eedeeyo sicir-bararka sare, balse wuxuu sheegay in saameynta canshuuraha laga yaabo inay yareeyaan sicir-bararka marka loo eego hoos u dhaca ka dhasha deregulation (ka qaadista xeerarka adag) iyo dhimista kharashaadka dowladda.

“Markii aan xubin ka ahaa Fed, waxaan iska indha-tiri jirnay isbeddellada qiimaha ee hal mar dhaca,” ayuu yiri Warsh — aragti uu dhawaan la wadaagay Wasiirka Maaliyadda, Scott Bessent.

Warsh ayaa hadda ka tirsan Hoover Institution isagoo sidoo kale wax ka dhiga Jaamacadda Stanford. Wuxuu ka hadlay shirkii maalgashiga Sohn Investment Conference ee New York sanadkii 2017.

Sida laga soo xigtay Wall Street Journal, Trump ayaa laba jeer kula hadlay Warsh bisha Febraayo iyo Maarso si uu uga wada hadlo beddelidda Powell, balse Warsh wuxuu u sheegay madaxweynaha inaysan habbooneyn in tallaabadaasi la qaado ilaa muddada Powell ay dhammaaneyso bisha May 2026.

Si kastaba, wali lama oga haddii Trump — oo si weyn u doonaya in dulsaarka la dhimo — uu dhab ahaan u qaadi doono tallaabadaas. Dad ku dhow maamulka Trump waxay sheegayaan in uu muddo dheer ka niyad-jabay Powell, isagoo aaminsan in Powell uu si aad u daahday uga jawaabay sicir-bararka intii lagu jiray xukunka Madaxweyne Biden.

La-taliyaha muddada dheer u ahaa Trump, Steve Moore, ayaa sheegay in mar kasta oo uu la kulmo Trump, madaxweynuhu uu ku celceliyo in “mid ka mid ah khaladaadkii ugu waa weynaa” uu ahaa magacaabista Powell.

Moore wuxuu sheegay in fursadaha Trump uu ku eryi karo Powell ay “yar yihiin wax ka yar kala bar”, balse wuxuu aaminsan yahay in madaxweynuhu yeelan karo awoodda uu ku beddeli karo guddoomiyaha bangiga dhexe.

Wuxuu si gaar ah u dhaleeceeyay hadal uu Powell jeediyay Arbacadii la soo dhaafay, markaas oo uu sheegay in Fed uu sugayo “caddeyn dheeraad ah” kahor inta uusan wax ka beddelin dulsaarka, isagoo xusay in canshuuraha Trump ay sababi karaan sicir-barar sare iyo koboc dhaqaale oo gaabis ah.

“Xitaa in la iska dhigayo inuu siyaasadda ka madax-bannaan yahay waa wax lala yaabo,” ayuu yiri Moore. “Wuxuu jeediyay hadal siyaasi ah oo buuxa.”


Kuwa kale ee la xusi karo haddii Powell la beddelo:

Steve Moore wuxuu sheegay in haddii Warsh uusan noqon musharraxa rasmiga ah, musharraxiinta kale ee la tixgelin karo waxaa ka mid ah:

  • Kevin Hassett – Agaasimaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka (National Economic Council)
  • Art Laffer – Dhaqaaleyahan caan ah xilligii Reagan
  • Larry Kudlow – Dhaqaaleyahan iyo barnaamij la socodka TV-ga ah, islamarkaana NEC Director ahaa intii uu socday xukunkii Trump ee koowaad

Jimcihii, Hassett ayaa la weydiiyay su’aal ah in xil ka qaadista Powell ay tahay mid suuragal ah, wuxuuna ku jawaabay:

“Madaxweynaha iyo kooxdiisa waxay sii wadi doonaan daraasadda arrintaas.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *