Maamulka Trump oo Dhaqan Geliyay Cashuur 50% ah oo Lagu Kordhiyay Badeecooyinka Shiinaha โ Guud Ahaan Cashuurta oo Gaartay 104%
Maamulka Trump ayaa ka dhabbeeyay hanjabaaddii uu horey u sheegay, isagoo 50% cashuur dheeri ah kusoo rogay badeecooyinka Shiinaha, iyadoo horey loo saaray 34% cashuur is-dhaafsi ah. Tani waxay kor u qaaday heerka guud ee cashuurta la saaray badeecooyinka Shiinaha ilaa 104%. Cashuurahan culus ee cusub, oo sidoo kale saameynaya 184 wadan oo kale oo la ganacsada Mareykanka, ayaa dhaqan galay saqdii dhexe ee Arbacada (12:01 a.m. ET).
Kororka cashuuraha wuxuu sare u qaaday xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha Talaadadii, iyadoo Shiinuhu ballan qaaday inuu “illa dhammaadka dagaalka u dagaallami doono” kadib markii Trump uu Isniintii ku hanjabay cashuuraha cusub, taasoo jawaab u ahayd tallaabadii uu Shiinuhu kaga falceliyay horey.
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa Talaadadii tiri:
“Waa khalad uu sameeyay Shiinuhu inuu ka falceliyo (retaliate)”.