Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii si cad ugu hanjabay shirkadda Apple Inc., isagoo sheegay in ay la kulmi doonto canshuur culus (tariff) haddii ay sii waddo soo saarista iPhones-ka meel ka baxsan gudaha Mareykanka.
Trump ayaa bartiisa Truth Social ku yiri:
“Waxaan hore ugu wargeliyay Tim Cook, madaxa Apple, in aan filayo in iPhones-ka lagu iibinayo gudaha Mareykanka laga soo saaro Mareykanka gudihiisa, ee aan laga keenin India ama meel kale.”
“Haddii taas la waayo, Apple waa inay bixisaa canshuur ugu yaraan ah 25%, taasoo loogu talagalay Mareykanka.”