Shiinaha ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal ganacsi iyo siyaasadeed haddii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu muujiyo ixtiraam iyo IN Umagacaabo qof rasmi ah oo wakiil ka noqonaya Mareykanka.
Arrintan ayaa imaneysa xilli xiisadda ganacsi ee u dhexeysa labada dal ay sii xoogeysaneyso, iyadoo canshuuraha labada dhinac ay sare u kaceen, shirkadaha tignoolajiyadda ay saameynayaan xayiraado, isla markaana wada-xaajoodka si rasmi ah aan loo bilaabin.