🔴 ⚠️ DEGDEG: Trump oo Soo Jeediyay Canshuur 50% ah oo Lagu Soo Rogo Midowga Yurub

Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadal culus ku weeraray Midowga Yurub (EU), isagoo ku eedeeyay in uu “aad u adagyahay in lala macaamilo”.

Trump ayaa sheegay:

“Midowga Yurub aad bay u adag tahay in lala heshiiyo.”

Wuxuuna soo jeediyay:
“Waxaan ku taliyay in lagu soo rogo 50% tariff (canshuur) ah Midowga Yurub.”

Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo uu sii xoogaysanayo ololaha doorashada, isagoo mar kale dib u cusboonaysiinaya siyaasaddiisii ganacsi ee cadaadiska saareysay iskaashatada dhaqaalaha ee caalamiga ah, gaar ahaan Yurub iyo Aasiya.

Tani waxay dhalin kartaa xiisad cusub oo ganacsi oo u dhaxeysa Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana la sugayaa in EU ay si rasmi ah uga jawaabto.

→ Wararkii ugu dambeeyay ayaan idiinla wadaagi doonaa marka ay soo baxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *